War hada uun soo gaarey warbaahinta (Marsin Online) ayaa sheegaya in Xerada qaxootiga Dhagaxley ee ku taala gobolka waqooyi bari Kenya in dab qabsaday suuqa weyn ee xeraadaasi kaasoo dhaliyey khaasare soo gaaray suuqii waxaana laga baqayaa in uu gaaro xaafadaha walow aan lasheegin dad wax ku noqday ilaa hada.
Wararka ayaa sheegaya in Dabku bilowday xiligii afurkii kadib waxaana ka soo baxaya warar kala duwan qaabka uu halkaas dabka uga bilowday.
Wararka qaar ayaa sheegaya in meelaha qaar la bililiqaystey balse waxaan goobta soo gaarey hada Ciidamada amniga.
kala soco (Marsin Online) wixii ka soo kordha warkan iyo kuwo kale
Marsin Social