Daawo Afhayeenka Jubaland State Cabdinaasir oo manta Shir’Jarid ku qabtay Kismaayo “Waan iska Difaacaynaa”

(MOL)__Daawo Afhayeenka Jubaland State Cabdinaasir oo manta Shir’Jarid ku qabtay Kismaayo “Waan iska Difaacaynaa cidkasta oo na soo weerarta cidna uga haybaysan meyno amaanka Jubaland” ayuu yiri Abdinasir Seraar.

Hooska daawo

Marsinonline.com

Dhageyso Madaxweyne Ku/xigeenka Jubaland General Fartaag oo wareysi siiyey warbaahinta Saadaalnews

General-Fartaag(MOL)__MD. Ku/Xigeenka Jubaland State Mudane Cabdullahi Sh. Ismaaciil Fartaag ayaa Dowlada Xasan Sh. Dusha ooga tuurey eedeyn in ay qas iyo Qalalaase ka wadaan Magaalaada Kismaayo ayna tahay wax aan loo dulqaadan Karin  waxi nabad xumo u keeni kara Magaalada Kismaayo.

Ganeral Fartaag ayaa Dowlada Somaliya ugu baaqay in ay Xamar wax ka qabato inta ayna Kismaayo u hanqal taagin.

Hoos ka dhagayso Wareysiga Saadaalnews

Madaxweyne-Kuxigenka-Jubaland-Gen-Cabdulaahi-Sheikh-Ismacil-Fartaag

Marsinonline.com

OYSU International Conference enters second closed door meeting + Shirweynihii OYSU oo galay maalintii labaad +Video

By Abdirahman Hollywood

 

 

 

OYSU International Conference officially kicked off yesterday in San Diego. After along first day that covered seminars, workshops and discussions, the conference goes into its second full day.

 

shirka4

 

 

 

Today’s meeting is a closed door meeting that will cover capacity building activities and panel discussions. Seminars and workshops are part of today’s meeting as well and will continue into tomorrow

z.shirka3

Stay tuned for more updates as the meeting continues to the next day.

****************

Shirweynihii OYSU oo galay maalintii labaad

Shir weynihii ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardeyda Ogadenia oo shalay ka furmay magaalada San Diego ayaa waxa uu galay maalintii labaad.

Shirka maanta oo ah mid ay albaabadu uxidhan yihiin ayaa waxa loogaga hadli doonaa arrimo xaasaasi ah, dabcan siminaaradii iyo aqoon isweydaarsikii goobta kama maqna.

Wixii kasoo baxa halkan kala soco

Waxaa noo surta gashay inaan wareysi ka qaadno Mudane Farxaan Axmed oo ka mid ah qaban qaabiyaasha iyo waliba madaxda Waqooyiga Mareykanka

Daawasho wacan

Marsinonline Abdirahman Hollywood

Shiweynaha OYSU

San Diego, CA USA

Akhriso warbixinta IGD ka diyaarisey Kismaayo iyo Muqdisho oo ku qoran English

igad_communiqueADDIS ABABA, 24th of May 2013 The IGAD Heads of State and Government held its 22nd extraordinary
summit in Addis Ababa, Ethiopia on 24th of May 2013, under the Chairmanship of H.E Mr. Hailemariam Desalegn, the Prime Minister of the Federal Democratic Republic of Ethiopia and current Chairperson of the
IGAD Assembly to discuss the political situation in the Federal Republic of Somalia. The Assembly was attended by H. E. Yoweri Kaguta Museveni, President of the Republic of Uganda; H.E. Ismail Omar Guelleh, President of the Republic of Djibouti; H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia; H. E. Uhuru Kenyatta, President of the Republic of Kenya. The Summit was also attended by H.E. Mr. Erastus Mwencha, Deputy Chairperson of the African Union Commission, H.E Ambassador Hussein
INTERGOVERNMENTAL AUTHORITY ON DEVELOPMENT AUTORITÉ INTERGOUVERNEMENTALE
POUR LE DÉVELOPPEMENT
IGADPage | 2 Elamin Elfadil, Ambassador of Sudan and permanent reprehensive to
IGAD, H.E. Nicholas Westcostt , Director General for Africa , European Union, and H.E.Amb. Renzo Mario Rosso the Ambassador of Italy to Ethiopia and Permanent Representative to the AU and IGAD in his capacity as the Co-Chair of the IGAD Partners Forum (IPF). The Assembly was preceded by the 48th Extra-ordinary Session of IGAD
Council of Ministers held on 24thof May 2013, in Addis Ababa, Ethiopia. As a follow up to its decision on 3rd May 2013 of its 21st extra-ordinary session, the Summit received a briefing from the chairperson of the IGAD
Council of Ministers H.E Dr. Tedros Adhanom, Minister of Foreign Affairs of the Federal Democratic Republic of Ethiopia, and also a report from H.E Amb.(Eng.)Mahboub M. Maalim, Executive Secretary of IGAD on the high
level fact finding and confidence building mission delegated by the Summit to Mogadishu and Kismayo in the Federal Republic of Somalia. The Summit deliberated on the report and the overall political and security
situation in Somalia,
In this regard, The Summit: After listening to the briefing byH.E Dr. Tedros Adhanom,Minister of Foreign Affairs of the Federal Democratic Republic of Ethiopia, on the Council consultation in its 48th Extraordinary session and Further considering the report from H.E Amb.(Eng.)Mahboub M. Maalim,Page | 3 Executive Secretary of IGAD on the fact finding and confidence building mission to Mogadishu and Kismayo , Having taken Note of the findings of the mission and the
recommendations made and further considering the various views observed by the Somali Federal Government as well as major stakeholders in Mogadishu and Kismayo; Recalling the previous decisions of the IGAD Assembly of Heads of State and Government and the Council of Ministers on Somalia; Considering the major political and security priorities of the Federal Government of Somalia, and the efforts for peace and stability within the framework of the provisional constitution; The Summit;
1. Commends the successful fact finding and confidence building mission led by H.E Amb.(Eng.)Mahboub M. Maalim; 2. Endorses and adopts the report of the fact finding and confidence building mission to Mogadishu and Kismayo; 3. Notes with Satisfaction the agreement of all stakeholders to respect the provisional constitution, to accept the government leadership, to conduct the process in an all inclusive manner, the need for IGAD’s supportive role and conduct the process in a way that helps the fight against Al-Shabaab; 4. Urges that the Federal Government of Somalia should timely convene and lead reconciliation conference with the support of IGAD whilePage | 4 consulting key stakeholders in the Juba Regions with a view to chart out a roadmap on the establishment of interim administration and
formation of a permanent regional administration in accordance with the Provisional Constitution with IGAD playing a supporting role; 5. Noted with concern the situation in Kismayo and appeals for calm and restrain by all parties as such actions may threaten peace and stability mainly the fight against Al-shabab;
6. Calls upon all parties in Mogadishu and Kismayo to uphold the tenets of the five principles enumerated in the communiqué of the 21st Extra- Ordinary Summit ;
7. Re-iterates its previous call for the Federal Government of Somalia to as soon as possible integrate the various militia forces into a unified national command of Somali National Army;
8. Stresses the need for enhanced engagement by the international community and the AU in improving the operational capacity and
coordination of AMISOM and Somali National Forces in view of supporting the on-going operations for peace and greater stability;
9. Reaffirmed the strong commitment of IGAD countries to assist the peace building and the reconstruction process in Somalia;
10.Recognises the important role to be played by the Somali refugees in
the reconstruction of Somalia , and calls on international community
to support the initiative by the governments of Somalia and Kenya
and UNHCR to convene an international conference on repatriation of Somali refugees to be held later this year;

Page | 5
11. Directs the Chairperson of the Council of Ministers and IGAD
Secretariat to make the necessary arrangements to ensure continuous consultation and dialogue in Somalia;
12.Expresses appreciation to international partners and Organizations
that are currently providing financial, material and technical assistance
to the Federal Government of Somalia and appeals for increase in the
level of support;
13.Underscored the efforts made by the Ethiopian Prime Minister H.E Mr. Hailemariam Desalegn, in his capacity as IGAD Chair, in facilitating member countries efforts for the regional peace and security;
14.Directs the IGAD Secretariat to transmit these decisions to the African Union Commission and the United Nations Security Council;
15.Congratulates the AU on the occasion of the celebration of the 50th anniversary and its accomplishments; 16.Expresses its appreciation to the Government and the people of Ethiopia for hosting this Extra-ordinary Summit and for shouldering
the heavy responsibility of hosting the 50th Anniversary of the AU;
17. Decides to remain seized of this matter.

Issued this 24th of May 2013 in Addis Ababa, Ethiopia.

Hoss ka akri nuqulkii saxda ahaa

Communique of the 22nd IGAD Extra-ordinary Summit of Heads of States

Daawo wareysiyo shir weynihii 3aad ee OYSU oo lagu qabtay San Diego, California.

(MOL)___ Waxaa maalinta bari ah ka bilaabanaya Shir weynihii 3 aad ee OYSU Magaaalda San-Diego ee Gobolka California waxaan shirkaas ka soo qaybgaley oo iminka ku sugan magaalada San-Diego, Wafti uu hogaaminayo G/ ku Xigeenka ONLF Mudane Maxamed Ismaciil Cumar iyo guddomiyaha Abaabulka iyo Arrimaha Bulshada mudane Maxamed Cabdi Yaasiin ‘Diirrane’

Hadaba waxaa wareyso xiiso badan ka qaaday qaar ka mid ah Marti sharafta ka timid dacalada Aduunaka Wariye Abdirahman daawasho wacan.
Marsinonline.com

Daawo Bosaaso oo laga taageerey Jubaland State Of Somalia.

Bosaaso(MOL)___Daawo Bosaaso oo laga taageerey Jubaland State Of Somalia.
Marsinonline.com

“Jigjigga maxaa ka dhigay timir xabaal taalaa”? Ogadeniyana itoobiyaa gumeysata Jigjiggana Ina Iley!!!!

“Jigjigga maxaa ka dhigay timir xabaal taalaa”?

Ogadeniyana itoobiyaa gumeysata Jigjiggana Ina Iley!!!!

By Ali Yare

Shaki kuma jiro in markay dad badani  arkaan ciwaanka qoraalkan  isweydiin doonaan sababta igu kaliftey inaan maanta i dhaahdo  jigjiga “Maxaaka dhigay timir xaabaal taalaa”? amaba Jigjigga Ina iley baa gumeysta ogadeniyana itoobiya laakiin waxan odhan lahaa ha boodina, hana iga diddina ee in yar ii dulqaata. Teeda kale waxan jeclahay inaad dhago furan iyo qalbi xaadhan oo caadifad xor ka ah  igu dhagaysataan.

Marka hore khalad ha iga fahmina, ogaadana  inaan ujeedada doodaydu ahayn inaan  Itoobiya Jigjiga gumeysan hase yeeshee gundhiga doodaydu waa in jigjigga laba goor la gumeysto, Waayo waxan aamin sanahay lagana yabaa in dad badani ila qabaan, in gumeysiga itoobiya ay Jigjigga gumeysato uu  u dheer yahay midka ina iley iyo bakhtifuuladdiisu gumeystaan kaas oo aan odhan karno waa mid ka xishood iyo arxanba daran midka Woyaanaha.

Waxa laga yaabaa ama suurto gal ah in qaar badan oo idinka idinka mid ahi fikirkaa igu raaceen balse kuwa weli ciwaankan ka soo horjeeda doodayduna ka daadagi la’dahay bal aan cabaar la sii haasaawo una dhaadhaco nuxurka qoraalkayga.  .

Muran kama jiro in dhulka ogadenia la wada gumeysto oo dulinimadda iyo darxumaduba wada haysato. Iyada oo taasi jirto ayaa waxaan hadana si dhab ah u aaminsanahay  meelaha qaar sida magaalada jigjigga in si gaar ah loo gumeysto oo ka duwan sida magaalooyinka kale loo gumeysto waayo maanta jigjigga waa meesha kaliya ee xarunta u ah maamulka gacan ku samayska ah ee damiir laawe ina iley horjoogaha u yahay. Waa meesha kaliya ee gumeysiga iyo gacan yarayaashiisu falkay doonaanba ka gaystaan  haday kufsi tahay haday, dil tahay, dahay dhac tahay iyo haday xidhay tahayba bilaa cabsi. Markaan saas leeyahay taas macnaheedu ma aha inaan dhulka intiisa kale jaa’ifooyinkan oo kale ka dhicin balse qaabka woyaahana iyo hawaarintu shacabka u waxyeeleeyaan ayaa gabi ahaanba ah kuwo kala duwan marka lays  garab dhigo Jigjigga iyo dhulka Ogadeniya intiisa kale.

Dhamaan gobolada kale ee dalka ogadeniya ka kooban yahay waxaa ka socda dagaal xoogan oo iska cabin, weerar  iyo weerar celis ah halka Jigjigga aanay col iyo nabad midna ahayn. Gobolada kale dadka waxaa la xidhaa iyaga oo jaraha diidan oo sanka taagaya halka jigigga dadka intii “keeno lagu xidho weliba faruur xidh loogu daro”. Dalka intiisa kale dadka kii dhimana sharaf buu ku dhintaa kii noolaana sharaf buu ku noolaadaa halka jigjigga dadku ku nool yihiin marxalad ma disho ma noolayso ah. Marka laga reebo jigjigga, dadka kii dhinta isaga oo dagaalami buu dhintaa, kii la xidhi isaga oo qoorta taagi  ayaa la xidhan, tii la kufsan iyada oo qaylo iyo qaniinyo ku dagaalamaysa ayaa ama la kufsada ama laga tagaa halka jigjigga hawaarintu haween la qabo intay hoygooda kala baxan aan ciduna ka daba hadlin. Halka wakiilada gumeysiga ee ina iley hormuudka u yahay  ay daafaha jigjigga kalsoonida u dhex mushaaxaan ciday doonaana dilaan ama xidhaanba, gobalada kale wxay ku nool yihiin cabsi iyo argagax. Tolow ma maantaa lagu dili iyo bari ma gaadhi ayey ku noolyihiin. Midkay xidhi iyaga oo cabsani geesahana eeg eegi ayey xidhaan midkay dili iyaga oo baqdin darted hiinraagaya ayey dilaan iyagoo mararka qaarkoodna aan ku nabad galin dilalkaa. Meelkasta ma awoodi karaan inay maraan ama fadhiistaan.waxay had iyo jeer isku ilaaliyaan meelo cayiman oo xerooyinka gumeysigu ka mid yihiin.

Baadhitaano la sameeyey waxa la ogaadey in gumeysigu ixtiraamo meeliba meesha ay ka dagaal badan tahay sidaa darteedna Jigjigga ay tahay meelaha woyanuhu ay aadka u liidaan ee ugu ixtiraamka daran yihiin.

Hadaba su’aasha mudan in laga jawaabo waxay tahay maxay jigjigga ku mutaysatey qadarin la’aanta? Ma odhan karaa Jigjigga nabada ayey eeday?

Ani ahaan waxan odhan karaa dhowr sababood baa ugu wacan meeqaan xumada jigjigga kala soo daristey woyaahana iyo daboqoodhiga.

  • Mida koobaad : Waxaa caado u ah dadkan itoobiyaanka ah qabiilkuu doono ha ahaadee inay hadba qofka ugu dhow ay dhibaan taasna waxaa markhaati u ah maahmaahdii odhan jirtey “Axmaaro iyo dameerba ooda u xigta ayey cunaan”.  Dad badan oo aqoon u leh itoobiyaanka way dareemayaan in waxa shacabka jigjigga lagu hayaa aanay ahayn wax cusub oo ugub ah balse ay tahay waxay weligeed  itoobiya samayn jirtey oo dhaqan u ah. Wax yeelada ugu badani waxay had iyo jeer ku dhacdaa kuwa ugu dhow dhow ee ama niyada kala jira , ama afka ka  taageera taasna waxaan ku cadayn karnaa halkay Ibraahim Xaad dhigeen.  Muran kama joogo in qoon badan oo talisyaddii itoobiya u dhaga nuglaa  god dheer lagu dabooley meesha kuwo badana la uus xabaalay oo meel ay maanta ku sugan yihiin aan cidina war u haynin.
  • Qodobka labaad: Waa dadka itoobiyaanka ah oo si dhab ah u aaminsan in qoomiyada soomaalidu tahay cadowgooda kowaad sidaa darteedna ka la jira iyo midka ka soo horjeeda shaadhkuu doonaba ha qabee ay isku mid u yihiin. Hal hays can ah oo ay itoobiyaanku wada yaqaanaan ayey ku yidhaahdaan “Somali Soomalinow, Somali waa isku mid dhinucuu doono ha la jiree”sidaa awgeed jigjigga iyo dhulka intiisa kale waa isugu mid, waxayna u arkaan  laba cadow oon kala sokaynin.
  • Qodobka saddexaad: Waa shacab weynaha jigjigga iyo nawaaxigeeda ku nool oo qoonsan waaayey quudhsiga gumeysiga, had iyo goorna dhabarka u daaciya dharbaaxada askarta wayaanaha iyo raranayaashooda taasina waxay keentey in hawaarintu  si dhib yar ugu dhiiradaan dhibaateynta dadka. Waxa horey loo ogaaday inaan aadamuhu walaalow waxba ku lahayn balse waranka afkiisa lagu walaaloobo.  Mahmaahbaa waxay ahayd “Nin aan warankaagu kaa reebin wedhaadu kaama reebto”. Nin og inaad xabada xabad ugu jawaabi, feedhkana feedh ugu baddeli, dharbaaxadana dharbaaxo ugu dabo marin, waxa hubaal ah inaanu dhayal kuugu soo deg degaynin. Hadddise marka judub sanka lagaaga dhufto aad hogato ood goroda laalaadiso xaalkaagu waa ilko doofaar sahansan.  Kol haddi cadowgaagu kaa il helo dhabarkana ciida kuu dhigo, labo unbuu mid noqon:

a)      mid caqli leh wax yaalo badana xeeriya sida gumeysataddii reer yurub

b)      iyo mid baddow ah doqonimana u dheer tahay sida itoobiya oo hadday mar ku lagdo aan kaa kacayn.

Sidee Ina Iley Jigjigga u gumeystaa?

Horta jigjigga waa meesha fikirka gumeysiga lagu tijaabiyo sidoo kale waa meesha dhaqan xumada lagu alifo. Jigjigga waxan odhan karaa waa gole ceebeed waayo markaad dib u fiiriso dhacdooyinkii ka dhacay jigjigga mudooyinkii dambe waxad dareemeysaa in Jigjigga maanta tahay meelaha dhulka Ogadeniya ugu ayaanka daran.

Adeegayaasha gumeysiga ee ina Ilay aabaha u yahay waxay ku amar ku taagleeyaan degmada Jigjigga taas oo Woyaanuhu amar buuxa ku siiyey inay siday doonaan ka yeelaan. Wallow kuwii inay Ilay ka horeeyey iyaga qudhooda awood buuxda loo siiyey cabudhinta dadka hadana marna heerka ina ilay xumaan ka gaadhay kama gaadhin. Wakiiladdii Jigjigga soo marayna wax unbaa xakamayn jirey ama ha xishoodaan ama talada dadka ha qaataan ama ehelnimo ha xeeriyaan amaba dhaqanka ha dhowraane laakiin mar haddii aan ” ruuxu damiirna lahayn diina xakamayneynin waa in sida dibi gu’ jooga uu iska “dinaahiyo” sida ina Ilay”.

“Haddii dhulka meel ka mid ahi yaxyax u dhiman lahayd jigjigga ayaa goor hore aaskeeda loo dareeri lahaa agaskeedana aan cuni lahayn” waayo Jigjigga waxaa ka dhacay dhacdooyin taariikhi ah oo aan dhulka intiisa kale ka dhicin oo dadka intii aragteyna il-fashaq ku dishay intii maqashayna dhag xume ku dishay.  falalka  ugubka ah ee ina ilay Jigjigga ka sameeyey ayaa wxay ahaayeen:

a)      In kumanyaal dad ah uu fagaare isugu keeno qaar ka mid ahna ku dirqiyo inay qirtaan inay adhiga iyo dameeraha fuuli jireen. Arintan oo runtii ahayd middii nooceeda ah ee ugu horeysay ee ummadda soomaaliyeed dhexdeeda laga maqlo ama ay aalada la iska arko ka daawadaan.tani  waxay magac xumo weyn u soo jiiday shacabka sharafta leh ee dhulkaas dega ee dhaqan wanaaga ku can baxay. Kulankani wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday damiinimada Ina Iley iyo doqonimada woyaanaha waayo lama arag ummad dowlad sheeganaysa oo intay gacan ku dhiiglayaal shir weyne soo hor joojiso ku amaanaya fal danbiyeedyaddii ay geysteen. Rag ku faanaya inay geysteen dambiyo isugu jira dil, kufsi, dhac iyo afduub oo halkii maxakamad la soo joojin  lahaa dambigoodana loogu qaadi lahaa amaan iyo abaal marin la siiyo waxaa lagu arkey Itoobiya. Arintani waxay caalamka tustay waxashnimada woyaanaha iyo sida ay xeerarka caalamiga ah uga dhaga la’ yihiin. Balse dhankasta oo laga eegaba waxay dadkii dhacdadan foosha xun arkay ama maqlayba isku raaceen in Itoobiya any kulankan waxba ka dheefin hase ahaatee dhaawac siyaasadeed ka soo gaadhay ka dib markii bulshada caalamku ka dhaxashay sawir ah in Itoobiya tahay meel  “dhibanahana lagu xaqiro dhiigya cabkana lagu sharfo.”

b)      Arinta kale ee dhulka Ogadeniya aan horey uga dhicin balse ina ilay Jigjigga ka fuliyey ayaa waxay tahay inuu gabdho yar yar oon waalidkood raali ka ahayn intuu mashrax soo tubo iyaga oo qaaqaawan qasabna kaga dhigay inay qabtaan wax uu ugu yeedhay bandhigga tartanka quruxda taas oo diinta suuban ee islaamka iyo akhlaaqda wanaagsanba ka soo horjeeda. runtii damiir laawe ina iley wuxuu Jigjigga ka sameeyey dhacdo aan dhulka ogadeniya horey loogu arag. Wuxuu suurto galiyey in gabdho ugub ah oo masaakiin ah intuu soo mudhxiyo masharaxana soo dhoobo si cawradooda askarta woyaanuhu u daawadaan. Dad badani waxay aaminsan yihiin in ina iley ay saraakiisha woyaanuhu ku amreen inuu bandhigan sameeyo iyaga oo ujeedadoodu tahay inay  inta ugu quruxda badan ka xushaan. Arintan foosha xun ee dhaqan bi’iska ah Jigigga indhaha ayey ka daboolatey mana filayo inay gobolada kale ee ogadeeniya ka suurto gali lahayd.

Arinta kale ee xusida mudan ee gaar ahaan aniga amakaaka iyo uur ku taalada igu reebtey ayaa waxay ahayd in goobihii ficiladan foosha xumi ka dhacayeen kuwo wadaado sheeganaya oo wada gadh cays ah lehi safafkii hore ee kuraasta wada camireen iyaga oo wejiyadooda laga dheehannayey sida ay raali uga yihiin wixii meesha ka socday. Wadaad xumayaashii goobahan soo camiray ayaa waxaa ugu caansanaa madaxii ajjo gudhay ee gumeysiga isu dhiibay Ibraahim Dheere oo waejiggiisa rayn rayn aan la soo koobi karini ka muuqatey.

Maxaa boosaska iyo beeraha Jigjigga baylahda ka dhigay oo bakhti fuul ina iley dibadaha uga baafinayaa? Jigjigga ma “Timir xabaal taalaa?”

Dabcan “Timir xabaal taala” waad wada garaysaan in qofkii soo gaadhaaba iska cuni oon la kala xigin, tanina waa Qodob kale oo cadaynaya sida Ina Iley u bah dilo shacabka reer Jigjigga. Jigjigga waa magaalo noocay doontaba ha ahaatee waxayna ka kooban tahay boos dhisan, mid banaan iyo beer dad leeyahay. Hase yeesha sida aan wada ogsoonahay, ina iley wuxuu had iyo goor baaqyo u kala diraa dibadaha isaga oo qurba joogta ku beer laxawsanaya inay dalka dib ugu soo noqdaan. Wuxuuna kii so noqda ugu balan qaadaa inuu Jigjigga boos ka siin doono taasina ay keentey in kuwo badan oo malafsi raac ah iyo kuwo dibadaha ku caajisay ay dhalanteedka khiyaaliga ah run moodaan.

Dhab ahaantii  ma ogi in dhamaan intii dhaan daban gaalaha ina Iley runta mooday boos iyo beer la wada siiyey. Been iyo run midkay tahayna muhiimad iima laha laakiin haddiiba ay jirto in qurba joogtii oo dhan Jigjigga boos laga wada siiyey ama badhkood laga siiyeyba, su’aashu waxay tahay  boosaska yaa iska lahaa? Dadkii lahaa miyey dhamaadeen? Mise way bara kaceen oo dhulkaba way iskaga qaxeen? Mise “Bank” boos iyo beer ah ayaa Jijigga ka dilaacay?

Jawaabtu waa “Maya” Jigjigga shacabkii iska lahaa ma qixin, mana dhamaanin, mida kale “Bank” boos iyo beer ahina kama dilaacin hase yeeshee Jigjigga waxaa ka jira boob iyo dhac baahsan oo Ina Iley baneeyey. Jigjigga maanta waxay maraysaa in kii Godey ku dhashay, kii Qabridahare ku dhashay, kii Dhagaxbuur ku dhashay, kii Wardheer ku dhashay iyo kii Fiiq ku dhashayba boos iyo beer laga siiyo ama looga balan qaadaba. Tanina waxay ku timid awooda Ina Iley ka dib markii Jigjigga laga waayey shaqsi buus yidhaahda. Dhulka ogadeniya waana la wada degaa waana la kala degaa.

Dhamaan magaalooyinka waaweyn beerteeda iyo booskeedaba dadbaa iska leh mana jiro qof ku siin kara tuugo iyo badheedh midkay doontaba ha ahaatee balse booska iyo beertaba waad gadan kartaa gobolkaad doonto aad ka timaadidee. Ina Iley magaaladdii uu ka beermay iyo middii uu ku barbaayeyba midna boos kama bixin karo marka maxaa keenay inuu Jigjigga biliqaysto? Hadaba miyeynaan odhan Karin Jigjigga maanta waa “timir  xabaal taala”? ama gumeysiga itoobiya Jigjigga waxaa u dheer midka Ina Iley.

Mar haddii xaalku meeshaa marayo shacabka Jigjigga waxaa la gudboon inaanay cadowga u habranin hogaanka gumeysigana iska siibaan.  Shaki igagama jiro in shacabka reer Jigjigga intooda badani xoriyada jecel yihiin. Hadaba maanta waa maalintii jecelka ficilka loo baddeli lahaa. Jigjigga ayuu maanta halganka ogadeniya ka socda uu ka dhutinayaa ama ka liigayaa marka waa inta damiirka fiicani kacaan oo hubka gurtaan dab kululna gacaha u galiyaan woyaanaha iyo raranayaashiisa.

ISKU TASHI, MIDNIMO, GUUL, ALLAAHU AKBAR.

MARSIN ONLINE.COM. Waxay mudnaan gaara
siinaysaa maqaaladda  sida khaaska ah loogu soo diro Maqaalkani wuxuu
khaas u yahay aragtida Qoraaga ku sixiixan loomana turjumi karo tan
MARSIN ONLINE.COM

 

 

 

 

Dimuqraadiyadda OYSU & Doorashada Xog’haya 2013

By Abdirahman Hollywood

OYSU(MOL)__Urur weynaha Midowga Dhalinyarada iyo Ardeyda Ogadenia (OYSU) ayaa waxay toddobaadkan kuqabanayaan magaalada San Diego ee gobolka California shir weynihii 3aad ee ururka. Shirkan ayaa waxaa lagu dooran doonaa haddii alle idmo xog’haya sutida uqaban lahaa hogganka ururka saddexda sano ee soo socota.

Doorashadan ayaa waxaa isu soo sharaxay musharixiin farabadan balse kadib isreereeb ayaa waxaa isu soo hadhay labo musharax. Musharixiintan oo tayadooda iyo aqoontooduba ay aad usareyso ayaa waxay kala yihiin mudane Mujaahid Sheikh Ibrahim Cabdalla xog’haya ururka ee saddexda sano ee lasoo dhaafay iyo mudane Cabdicasiis Xassan.

Midowga Dhalinyarada & Ardeyda Ogadenia

Ururka OYSU ayaa la aasaasay kadib markii ay midoobeen dhamaan ururadii dhalinyarada Ogadenia ee ka jiray dunida dacaladeeda sida OYN (North America), OSF (Europe), OYL (Africa) IWM, ururadan oo ahaa isku hadaf ayaa haddana ku kala hawlgali jiray magacyo kala duwan isla markaan uusan ka dhaxayn wax xidhiidh ah.

Mideynta ururadan ayaa waxay sahashey in dhamaan dhalinyarada Ogadenia ay ku midoobaan hal magac isla markaana yeeshan cod mideysan.

Ururka OYSU oo hadda ka hawlgala in kabadan 54 waddan  oo ku kala yaala shanta qaaradood ee aduunka ayaa waxaa la odhan karaa waa ururka kali ah ee dhalinyaro Soomaaliyeed oo noociisa ah oo ka jira aduunka.

Dimuqraadiyadda OYSU & Ol’olaha doorashada

Tan iyo intii lagu dhawaaqay labada musharax ee isu soo hadhay ayaa waxaa uu musharax waliba bilaabay ol’ole (campaign) uu ku soo bandhigayo nidaamkiisa iyo waxyaabaha uu qaban doono haddii la doorto. Musharax waliba waxaa uu si xor ah u soo bandhigay sababtu uu ugu qalmo in loo doorto xilka xog’haya guud ee OYSU.

Nidaamkan ayaa ah mid aan horey loogu arag ururada Soomaaliyeed iyo guud ahaan dawladaha Africa oo looga bartay kali talisnimo.

Qaabka doorashada

Toddobaakii lasoo dhaafay ayaa waxaa si toos ah u furmay u codeynta xog’hayaha guud ee OYSU oo ka bilaabatay dhamaan laamaha aduunka iyada oo shaqsi kastana la hor dhigay sanduuq uu ku codeeyo. Doorashada cod bixinta ayaa waxaa la soo gabagabayn doonaa haddii alle idmo dabayaaqada toddobaakan.

Waxaa arrin ku dayasho mudan ah in maanta dhalinyarada Ogadenia ee jooga Dhadhaab, Denver, Denmark iyo dhamaan dunida dacaladeeda ay si xor ah udooranayaan xog’hayaha ay u arkaan inuu yahay kii OYSU gaadhsiin lahaa hadafkeeda korna u qaadi lahaa waxqabadkeeda.

Annagu waxaanu lee nahay “May the best man win”Amiin!

Marsinonline.com

Wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo guddomiye kuxigeenka ONLF iyo hogganka HAAB oo gaadhay San Diego

By Abdirahman Hollywood

Y2San Diego: Waxaa caawa gagidda dayuuradaha ee magaalada San Diego kasoo dagay wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo guddomiye ku xigeenka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenia mudane Maxamed Ismaciil Cumar iyo guddomiyaha Abaabulka iyo Arrimaha Bulshada mudane Maxamed Cabdi Yaasiin ‘Diirrane’.

Y1Waftigan ayaa waxay u yimaadeen iney ka qayb-galaan shir weynaha ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardeyda Ogadenia oo barri haddii alle idmo si toos ah uga furmi doona magaalada San Diego.

v3Wafdigan ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah shacab weynaha Soomaalida Ogadenia oo uu hor kacayey guddoomiyaha Jaaliyadda San Diego mudane Cabdinasir Cabdullahi Faarax iyo xubno sar sare oo ka mid ah ururadda bulshada.

Waxaa kaloo iyana si diirran horraantii maanta loosoo dhoweeyey musharaxa xog’hayaha guud ee OYSU mudane Cabdicasiis Xassan iyo wufuud kale oo ka kale yimid gobolada Mareykanka sida Texas, Denver iyo Minneapolis.

v4v6Dhamaan wufuuda iyo marti sharafta ayaa kadib waxaa loosii qaaday casho sharaf iyaga oo halkaa lagu kala qaatay warbixino iyo iswareysiyo.

Wararka iyo akhbaaraha shirka halkan kala soco.

Marsinonline.com

Afhayeenka Ra’iisul-wasaraha Ethiopia Getachew Reda oo ka Hadley Arimaha Jubooyinka.

ItoobiyaAfhayeenka Ra’iisul-wasaraha Ethiopia oo VOA-da u waramay ayaa Mar wax laga waydiiyey in si tartib tartib ah ay IGD uga baxayaan arimaha Jubooyinka ayuu yiri
“Dheegeena ayaan ku bixiney Nafteena ayaan u huraynaa anaga waxaa dalkaa naga jooga Ciidamao Itoobiyaan ah sidoo kale waxaa jira kuwo Kenyan ah oo si xoogle ula dagaalamaya Al- shabaab”
Mr Getachew Reda oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaa kale oo jooga Somaliya Ciidamo AMISOM ah oo ka dagaalamaya dalkaasi iyaga oo taageeraya shacabka Somaliyeed marka ma waxaad filaysaa in dadkan dhiigooda daadinaya naftoodana huraaya in ayna door ku lahayn wax kasta oo ka dhaca Somaliya iyo si kasta oo wax u dhacayaan waxaan kuu xaqiijiyaa in taasi dhici doonin ayuu yiri Afhayeenka Ra’iisul-wasaraha Ethiopia Getachew Reda”
Hdalka Afhayeenka Ra’iisul-wasaraha Ethiopia Getachew Reda ayaa meesha ka saaraya arin ay Dowlada Xasan Sheekh iska dhaadhicisey oo ahayd in wax walba looga danbeeyo Dowlada Somaliya siiba Maamul u sameynta Gobalada dariska la ah Itoobiya iyo Kenya taas oo Itoobiya Kenya ay ka cabsi qabaan in Amaankooda wax u dhimo hadii ayna iska hubinin maamulada ka abuurmaya Gobalada dariska la ah.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Somalida oo wareysigan wax ka qoray ayaa  u fasirey sida ay jeclaayeen hoos ka dhageyso 

riix;http://www.voasomali.com/audio/Audio/286362.html

Marsinonline.com